Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qaybgalay kulanka 23aad ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Published: June 8, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Ururkaan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkaan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Soomaaliya dhawaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Ururkaan. Soomaaliya waxa ay dhawaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.

Horseed Media