Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii Nambia

Published: February 4, 2024

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin tacsi ah soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada, isagoo dawladda Nambia iyo shacabkeeda uga tacsiyadeeyay geerida saaka ku timid Madaxweynihii dalkaasi, Hage Geingob oo isagoo 82 jir ah saaka ku dhintay isbitaal ku yaalla caasimadda Windhoek.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Geingob nin u adeegayay dadkiisa muddo dheer, isla markaana codkiisa aad looga tixgelin jiray qaarada Afrika.

“Xiligan adag, waxan garab taagan nahay qoyskiisa, iyo dadka reer Nambia ee u boroorranaya waayitaanka hoggaamiyahoodii waynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Horseed Media