Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Published: January 10, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, isagoo halkaas salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS oo kulan guud uu la qaatay, taliyaha Xoogga Dalka, taliyaasha ciidammada Badda, Cirka, taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka.

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha madax hogaannada iyo taliska guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Horseed Media