![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2024/05/1-5-1201x800.webp)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya doorka halyeeyadii hormuudka u ahaa halgankii gobanimodoonka dalkeenna ee SYL ayaa ubax dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan halganka diiniga ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Amniga iyo Horumarka dalka.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2024/05/4-6-1201x800.webp)
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2024/05/3-7-1201x800.webp)
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2024/05/2-6-1201x800.webp)
Horseed Media