Madaxweyne Xassan Sheekh oo laga helay Covid-19

Published: June 24, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey dalka, kadib safar qaatey 6 maalmood oo uu ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo uu ka helay casumaad rasmi ah oo ahayd laba maalmood oo keliya.

Sida uu sheegay Afhayeenka Dowladda Cabdikariim Cali Kaar, wefdiga Madaxweynaha qaar kamid ah ayaa markii hore laga helay caabuqa Covid-19, Arrintaas waxay sababtey dib u dhac ku yimid kulamadii Madaxweynuhu la qaadan lahaa dhigiisa dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Maalintii Arbacada ayaa kulan gaaban oo la fulinaayey dhamaan habraacyada Covid-19 madaxweynuhu la qaatey Sheekh Maxamed Bin Zaid Ala Nahyan.

Madaxweynaha ayaa bartiisa twitterka ku qorey in laga helay caabuqa Covid-19, xaaladiisa guud fiican tahay, xafiiskana aanu imaaneyn maalhanan oo uu guriga ku shaqeyn doono.

Twitterka Madaxweynaha

Afhayeenka Madaxtooyadu kama hadlin in Madaxweynaha horey looga talaaley Korona Fayras iyo in kale, mana jirin weriye ka tirsan kuwii ka qaybgalay shirka jaraa’id oo weydiiyey talaalka Madaxweynaha.

Sida ay Horseed Media horey u sheegtey Madaxweynaha ayaa ku xanuunsadey Imaaraadka carabta intii uu joogey, waxaana u socdey baaritaan, taas oo sababtey dib u dhaca jadwalkii booqashada ee Madaxweynaha.

Habeenkii xalay ayaa Madaxweynuhu la kulmey ganacsatada iyo jaaliyadda kale ee halkaas ku nool, taas oo iyaduna ah mid ka soo horjeeda habraacyada caabuqa Covid-19.

Baaritaanka Soomaaliya ee Covid-19 ayaa ah mid aad u hoseeya, waxaana ay ceeb ku tahay habka dalku u maareeyo Covid-19, in Madaxweynha safarkiisi u horeeyey uu waxyeelo gaarsiiyo isaga oo dalka kala tegay Korona Fayras iyada oo waraaqaha la iska helo laakiin ay ku xiran tahay lacag, waxaana la musuq-maasuqey dhaqaalihii Korona Fayras loogu tala galay, in lagu hormariyo baaritaanada cudurkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *