Madaxweyneha Puntland oo shacabka siiyey warbixin ku aadan xaaladda dalka

Published: May 5, 2020

Madaxweynaha Puntland ayaa jeediyey khudbad uu bishiiba hal mar ugu tala galay in uu shacabka warbixin ka siiyo xaaladda dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Qardho kadib markii ay halakeeyeen biyo ku soo rogmadey oo dhibaato xoog leh geytey ayaa khudbadiisa bilaha ah diirada ku saarey.

  • Xaaladda bini’aadanimo ee Qardho
  • Mahad uu ka celiyey Gurmadka loo fidiyey magaalada
  • Aafada cudurka dilaaga ah e COVID-19
  • Xaaladda Dhaqaale ee dalka
  • Amniga
  • Waxbarashada

Ugu horreyn waxa Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Qardho ay ka dhacdey dhibaato xoog leh taas oo saameysey in badan oo kamid ah qoysaska degan magaalada, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si ballaaran uga mahadceliyey sida loogu soo gurmadey magaalada waxaana uu u mahad celiyey Dowladda federaalka ah qoonadada ay kaga qayb-qaadatey, hay’adaha caalamiga ah, magaalooyinka Puntland ee soo gurmadey iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurabaha ka soo gurmanaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay mudnaanta siin doonaan sidii magaalada dib loogu dejin lahaa, ganacsigeedina loo badbaadin lahaa iyo Suuqa weyn ee ay dhibaatada xooggan soo gaartey.

Dhanka kale Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in aafada cudurka COVID-19 ay tahay mid dhab ah oo wel-wel xoog leh gelisey kadib baaritaanadii ugu danbeeyey oo uu sheegay tirada laga heley in ay ahayd mid aad u badan oo magaalo kasta ka jirta sida Boosaaso, Waaciye, Qardho iyo Garoowe, magaalooyinka waxaa ka buuxa ayuu yiri dad xanuunsan oo qandho hayso oo qufacaya, waxaana uu ugu baaqey in dadkaasi is gaar yeelaan oo xitaa caruurtooda iyo xaasaskooda iska karantiilaan.

Madaxweyne Deni ayaa xusey in COVID-19 saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha oo dalka dhaqaalihiisu wanagsaneyn, inkasta oo raxmadda rabbi shubey ay tahay mid culeys weyn fududeyneysa, sidoo kale xoolaha oo hadda heley suuqyo cusub ay tahay iyaduno niyaayiro kale ayuu yiri.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *