Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalkii ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubadda Hoose.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xaalad adag ku jiro dalku, maadaama ciidamada Soomaaliyeed oo walaalo ah la iska horkeenay, kuwaas oo leh hal cadow oo ah argagixisada.
Sidoo kale, wuxuu sheegay waxyaabaha xiligan dhaliyey iska qalalaasaha inay salku hayaan wax-ka-beddelka iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu ahaa ee umadda Soomaaliyeed wada lahayd.
” Waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna.” ayuu yiri; Madaxweyne hore Farmaajo.
Horseed Media