Madixii Sirdoonka xuumaddii Cabdi Iley oo la xiray

Published: December 16, 2019

Madaxii Sirdoonka Maamulkii Dowlad Degaanka Soomaalida ee uu hoggaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar [ Iley ]ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Mukhtaar Shiikh Subane ayaa laga qabtay magaalada Hargeysa, waxayna ciidamada ammaanka Somaliland u gacan geliyeen xukuumadda hadda jirta ee Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Sargaalkan hore waxaa uu ahaa Taliyaha Nabad Sugidda maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana uu ku eedeysanyahay in uu ahaa gacanta midig ee Cabdi, kaas oo dadka kula kici jiray dil, jir dil iyo xabsi aan maxkamad lahayn.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa warbixinnada ay ka soo saareen gabood-fallada ka dhici jiray Xabsiga Jeel Ogaadeen waxaa ay ku soo dareen Mukhtaar Shiikh oo lagu eedeeyay in uu dadka ku dilay jiray gudaha Xabsiga isla goobtana ku aasi jiray.

Ilo ku sugan Jigjiga ayaa sheegay in 2016kii qof magaciisa lagu sheegay Xasan Sheer laga qabtay Hargeysa loona dhiibay Mukhtaar kaas oo uu ku dhex-dilay xabsiga.

Mukhtaar Shiikh Subane waxaa uu ka mid yahay liis ka kooban 46 qof oo ay maxkamadaha Ethoipia u jareen warqadda soo qabashada, kuwaas oo qaarkood gacanta lagu dhigay, islamarkaana maxkamad la soo taagay halka kuwo kalena uu dabagal ku socdo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *