Madxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaililand

Published: August 15, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland.

Guddiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey ururrada siyaasadda ee buuxiyey shuruudihii diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda kuwaas oo tiradoodu dhantahay 15 Urur Siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa guddida uga mahadceliyay shaqada ay hayaan waxaana uu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan shaqada.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay jirto khilaaf ku saabsan dooorshada madaxweynaha oo muddo yar ay ka harsan tahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *