Magacyada 11ka xildhibaan ee Loo Haysto inay Safar Ku Tegeen Muqdisho

Published: March 1, 2020

Laanta danbi baarista Kenya ayaa Su’aalo waydiinaysaa 11 xildhibaan oo loo haysto inay safar qarsoodi ah ku tageen Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Xildhibaanadan ayaa lix ka mid ah waxaa laga soo doortaa Koontiga Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenaya, 5ta kale ayaa ka soo jeeda degaanka Wajeer iyo lagdheera.

Xildhibaanadan ayaa magacyadooda lagu sheegay

  1. Axmed Kolosh ( Galbeedka Wajir)
  2. Kullow Maalim (Banisa)
  3. Ibrahim Abdi (Lafey),
  4. Rashid Kassim (Wajir East),
  5. Mohamed Hire (Lagdera),
  6. Omar Maalim (Mandera East),
  7. Bashir Abdullahi (Mandera North),
  8. Adan Haji (Mandera West), 
  9. Adan Ali sheikh (Mandera South),
  10. Mohamed Dahir (Dadaab)
  11. Ahmed Bashane (Tarbaj).

Booliiska waxay sheegeen in safarka Xildhibaanada aan lala socodsiin wasaaradda arrimaha dibada iyo guddoonka barlamaanka Kenya, hase yeeshee dadka ka faalooda siyaasada Kenya ayaa sheegaya inaysan jirin sharci u diidaya in xildhibaanadu booqdaan Muqdisho oo arrinta loo haysto ay la xiriirto siyaasad.

Qaar ka mid ah madaxda gobolka waqooyi bari ayaa dowladda Kenya ka codsaday in degaankooda laga eryo Wasiirka amniga Jubbaland C/casiis jannan oo ka soo baxsaday dowladda federaalka, haatana ku sugan gobolkaasi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *