Maldives oo dalkeeda ka mamnuucyada Israa’iiliyiinta, sababo la xariira xasuuqa Gaza

Published: June 4, 2024

Dowlada Maldives ayaa sheegtay inay muwaadiniinta Israa’iil ka mamnuuci doonto inay soo galaan dalkeeda, kuwaas oo caan ku ah inay booqdaan goobaha raaxada & Dalxiiska.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa Isniintii shalay arrintan si rasmi ah ugu dhawaaqay, iyadoo ay kor u kacday cadhada shacabka dalkaasi ee xasuuqa ka socda Gaza.

Madaxweynaha Maldives, Mohamed Muizzu, ayaa ” go’aansaday inuu mamnuuco baasaboorka Israel”, afhayeen u hadlay xafiiskiisa ayaa qoraal ku sheegay, isagoo aan faahfaahin ka bixin xilliga sharciga cusub uu dhaqan geli doono. Dalka waxa booqda kumanaan Israa’iiliyiin ah sannad kasta.

Go’aanka Maldives wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay sii kordheysa carada caalamiga ah ee ka dhalatay xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza.

Horseed Media