MALI: Militariga oo xabsiga kasii daayey Madaxweynihii la inqilaabay Ibrahim Keita

Published: August 28, 2020

Ciidamada la wareegay xukunka dalka Mali ayaa khamiistii gelinkii danbe xabsiga kasii daayey Madaxweynihii ay inqilaabeen Ibrahim Boubacar Keita.

Militariga Mali ayaa 18kii bishan Agoosto xukunka awood kula wareegay iyagoo tan iyo xiligaasi xabsi ku hayey Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Madaxda kale ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu hada ku sugan yahay gurigiisa.

Wafdi ka socda ECOWAS oo todobaadkii hore booqday dalka Mali ayaa waxaa hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Nigeria, Goodluck Jonathan, wafdigan ayaa loo ogolaaday inay arkaan Ibrahim Boubacar Keita.

Shirka ECOWAS

Go’aanka ay Militariga kusii daayeen Madaxweyne Keita ayaa lagu soo beegay saacado kahor shir ay maanta oo Jimce ah yeelan doonaan wadamada xubnaha ka ah Urur Gobaleedka ECOWAS.

Urur gobaleedka dalalka Galbeedka Afrika ee loo yaqaan ECOWAS ayaa maanta shir ay khadka internetka ku yeelan doonaan uga hadlaya xayiraadada ay kusoo rogeen wadanka Mali iyo tilaabooyinka xiga. Dalalka jaarka la ah Mali ayaa xuduudaha ay la wadaagaan Mali xiray, cadaadiskan oo qeyb ka ah in militariga xukunka ku wareejiyaan shacabka.

Dalalka jaarka la ah Mali ayaa sidoo kale codsanayey in xabsiga laga siidaayo Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita oo ah 75 sano jir iyo mas’uuliyiinta kale ee xirnaa.

Faransiiska oo horey wadankaasi usoo gumeystay isla markaana saameyn weyn kuleh ayey ciidamo gaaraya 5000 ka joogaan dhulkaasi, kuwaasi oo la dagaalama kooxaha Jihaadiga ah, France iyo Dalalka ECOWAS ayaa cadaadis ku haya militariga xukunka qabsaday inay keenaan qorshe ay xukunka ku wareejinayaan.

Madaxweyne Keita ayaa 19kii bishan maalin kadib inqilaabka militari khudbad laga soo duubay oo laga siidaayey telefishinka dowlada ayuu ku sheegay inuu xilka iska casilay si uu uga hortago dhiig-daata.

Keita ayaa markii ugu horeysay xilka Madaxweynaha loo doortay sanadkii 2013, waxaana mar labaad la doortay 2018, balse waxaa si weyn hoos ugu dhacday taageeradii uu shacabka ka heystay, waxaana xukuumadiisa lagu eedeenayey musuq maasuq iyo inay wax ka qaban waayeen arrimaha Amniga.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *