MALI: Taliska Militariga oo ugu baaqay Faransiiska inuu deg deg ulla baxo ciidamadiisa

Published: February 19, 2022

Dowlada Mali oo ay hogaaminayaan ciidamada Mali ayaa jimcihii weydiistay Faransiiska inuu ciidamadiisa uu “deg-deg” ugala baxo dalkooda, maalin kadib markii xukuumada France sheegtay inay la bixi doonto ciidamada ka jooga Mali.

Afhayeenka Militariga Mali oo shir jaraa’iid Jimcihii shalay qabtay ayaa sheegay in natiijo fiican aan laga gaarin hawlgaladii Ciidamada Faransiiska ka wadeen dalkooda 9kii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Faransiiska waxay uga bixi doonaan Mali “si habsami leh,” ayuu yiri madaxweyne Emmanuel Macron Jimcihii, isagoo ka jawaabaya dalabka ka yimid taliska Bamako ee ah inuu si degdeg ah uga baxo.

Macron ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib shir-madaxeedkii Brussels ka sheegay in, iyadoo askarta Faransiiska ay ka bixi doonaan Mali si qorsheysan, ayna sidaas u yeeli doonaan si ay u sii wadaan ilaalinta howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA) iyo ciidamada shisheeye ee dalkaasi ku sugan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *