Maliishiyaadka Boko Haram oo 8 Askari Ku dilay Niger

Published: March 10, 2020

Ugu yaraan 8 askari ayaa geeriyootay, saddex kalena waa la laayahay ka dib markii Maleeshiyaadka Boko Harar ay weerar ku qaadeen saldhig milateri oo leeyihiin ciidamada wadanka Niger ee galbeedka qaarada Afrika.

Wasiirka Gashaandhiga ee Niger Issoufou Katambe oo warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka Boko Haram oo wata 20 Gaari iyo hub culus ay weerareen xerada ciidamada ee Chetima Wongou, halkaasi ay ku dileen 8 askari.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah baabuurtii ay wateen maleeshiyaadku, kuwaasoo u gudbay dhinaca wadanka Nigeria weerarka ka dib.

Maleeshiyaadka Boko Haram oo xulufo la aha ururka ISIS ayaa ilaa sanadkii 2000 waxay weeraro, afduub iyo qaraxyo ka gaysanayay wadanka Nigeria, sidoo kale Sanadkii 2015kii ayay bilaabeen in weear ka gaystaan wadamada Cameron, Chad iyo Niger.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *