Maraykanka: Cunqabatayn ha lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada Soomaaliya

13 April, 2021

Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib…

Michael McCaul, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo Gregory W. Meeks oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, waxaana labaduba ay kuwada jiraan guddiga arrimaha dibadda ee Kongersska.

Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay.

Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayey ku sheegeen qoraalkooda.

“Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka waxaana uu boqon goynayaa raadintii dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayey intaas ku dareen.

Waxay sheegeen in haddii muddo kordhintaasi ay sii socoto in dawladda Maraykanka ay dib u qiimeeyso taageerada iyo xiriirka ay la leeyahay dawlada federaalka Soomaaliya, lana tixgeliyo in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaanka dimoqraadiyadda.

Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay dib usoo noolayso wada-xaajoodka si qalalaasahan loo xalliyo dibna loogu laabto hannaankii doorashada September 17 2020.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay muddo 2 sano ah u kodhiyey dawladda federaalka, taasi oo ay kasoo horjeesteen mucaaradka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Dhinaca kale, wakiilka sare ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in ficilka baarlamanka uu waxyeeleynayo dadaalka muddada fog socda, ee ay taageeraan Midowga Yurub iyo beesha caalamka, ee Soomaaliya dib loogu dhisayo ayada oo loo marayo ifaham.

“Midowga Yurub waxa uu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, keeni doonaan dib u dhacyo dheeri ah ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasil’oonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Borrell.

“Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wada-hadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan la dib dhigin, kuna saleysan heshiiskii 17-ka September. Haddii tan lagu guul-darreysto, Midowga Yurub waxa uu ka fakari doonaan tallaabooyin adag.”

Xigasho VOA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Meeks wuxuu matalaa 5th district magaalada nyc cid somaliya oo degan ma ay jirto, McCaulna waa jamhuri ka socda gobolka texas isagana cid somaliya oo degen degenkiisa ma ay jirto hadaba waa su’aale yeey u shaqeynayaan oo aan aheyn danaha shirkadaha coastline oo awal loo yaqaanay somgas iyo liberty oo labadaba yimadeen Villa somalia bishii janaayo/2021 kuna hungoobay in loo saxeexo xuquuqda qodida ceelal bada ku yaala madama aan midna awood u laheyn ama dhaqaale ku filan u heysan ineey celashaa rigag qoda saraan lakiin xaalkoogu ahaa na siiya 13 ceel ee anu anagu doorano qaatana $20 million taas oo socon weyday.