Maraykanka iyo Ruushka oo muddo kadib ka wadahadlay dagaalka Ukraine

Published: October 22, 2022
Shares78

Wasiirada Difaaca ee dalalka Maraykanka iyo Ruushka ayaa markii ugu horraysay muddo bilo ah, waxay yeesheen wadahadalkoodii ugu horreeyey, ka dib markii ay Khadka telefoonka ku wadahadleen.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa labaduba soo saaray qoraal muujinaya qodobadii ay ka wada hadleen xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Ruushka Sergey Shoygu, iyagoo isku raacay in diiradda la saaro dagaalka Ukraine.

Sida laga xigtay qoraalka uu soo saaray Pentagon-ku, xoghaye Austin “ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in uu furnaado xidhiidhka isgaadhsiintu, xilli uu socdo dagaalka ka dhanka dalka Ukraine”

Qoraal ka soo baxay dhinaca aqalka Kremlin ee looga taliyo dalka Ruushka oo ka hadlayey wada-hadalka dhex maray labada masuul ayaa lagu sheegay “inay ka wada hadleen dhibaatooyinka amniga caalamiga ah, gaar ahaan xaaladda Ukraine”

Ka hor wadahadalkan, markii ugu dambaysay ee ay labada wasiir wada hadlaan ayaa ahayd bishii May 13-keedii, xilligaas oo xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu ku baaqay xabbad joojin degdeg ah in laga gaadho dagaalka Ukraine.

Wadahadalkan ugu dambeeyey ee dhex maray masuuliyiinta Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku soo beegmaya xilli uu Ruushku muujiyey inuu diyaar u yahay wadahadal.

Horseed Media