Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay gelinkii dane ku dhawaaqay “fasixida” kaydka saliidda ee dalkaasi markii ugu horeysay taariikhda, go’aankan oo qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in hoos loogu dhigo qiimaha batroolka iyo gaaska.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo illaa hal milyan oo foosto oo saliid ah maalin kasta keydka istiraatiijiga ah ee shidaalka Mareykanka, si loo yareeyo saameynta sare u kaca qiimaha ee uu keenay duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine.
Maraykanka iyo waddamo kale ayaa mamnuucay soo dejinta saliidda iyo gaaska Ruushka sababo la xiriira dagaalka Ukraine, halka waddamada Yurub ay ballan qaadeen inay hoos u dhigidoonaan shidaalka iyo gaaska ay Ruushka ka iibsadaan.