Maraykanka oo bilaabaya talaalka Covid19

Published: December 14, 2020

Maanta oo isniin ah ayey gobalada dalka Maraykanka ka bilaabanayaan talaalka looga hortagayo cudurka Covid19.

Wadanka Maraykanka ayaa ah dalka ugu khasaaraha ugu badan ka geystay cudurka Covid19 oo ay dalkaasi ugu dhinteen dad ku dhaw 300-kun oo qof.

Daawada Talaalka oo ay soo saartay shirkada Pfizer oo ay dowlada fasaxday isticmaalkeeda ayaa Axadii shalay la geeyey 150 xarumood oo ku kala yaala gobalada dalkaasi, waxaana lagu wadaa in dhawaan la furo 450 xarumo kale oo dadka lagu talaalo.

Hay’ada Maraykanka u qaabilsan baaritaanka daawooyinka iyo cuntada ee FDA ayaa sabtidii lasoo dhaafay si rasmi ah u fasaxay isticmaalka daawada Talaalka ee shirkada Pfizer.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *