Maraykanka oo Digniin Ka Soo Saaray Weeraro Ku Soo Wajahan Nairobi

Published: February 28, 2020

Safaarada Maraykanka ee Nairobi ayaa ka digtay in ay suurtagal tahay in weeraro argagixiso lagu soo qaado hoteelada waaweyne ee caasimadda Nairobi ee Kenya.

Qoraal kooban oo safaraadu ku daabacday website-keeda ayay ku sheegtay inay aaminsan tahay in bartilmaameedka weerarku yahay hoteelada caanka ku ah dalxiisayaasha iyo ganacsatada ajaaniibta ah.

Safaaradu waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay taxdarad iyo feejignaan muujiyaan marka ay booqanayaan ama degayaan hoteelada caasimadda Nairobi.

” Haddii aad degayso Hote, sii qorshayso habka iyo qaabka aad uga bixi lahayd hotelka, meelaha iyo albaabada laga baxo hoteelka haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah” ayaa lagu yiri warbixinta safaradda

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay inay diyaarinayso ciidamo suga amniga hoteelada iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ku yaal magaaladda Niarobi iyo magaalooyinka kale.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu si dhow ula shaqayno dowladda kenya, islamarkaana uu la wadaagayo xogaha la xiriira weerarada Argagixisadu ee la filayo inay ka dhacaan Nairobi.

Ururka Alshabaab ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay wuxuu weeraro aragagixiso ka gaystay hoteelo iyo dhismayaal kale oo ay isugu yimaadaan dadka ajaaniibta ah

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *