Maraykanka oo hub cusub ka iibinaya Sacuudiga iyo Kuwait

Published: December 30, 2020

Dowlada Maraykanka ayaa ansixisay hub cusub oo laga iibinayo dalalka Sacuudiga iyo Kuwait.

Dalka Kuwait ayaa doonaya inuu ka iibsado shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka diyaaradaha dagaalka ee Apache iyo gantaalada difaaca ee loo yaqaan Patriot.

Heshiiska kuwait oo la sheegay inay ku bixi doonto in ka badan $4.3 bilyan oo dollar ayaa waxaa kamid ah qalabka dayactirka ee diyaaradaha iyo hubka horey looga iibiyey dalkaasi.

Maraykanka oo ku cadaadida dalalka uu xiriirka la leeyahay inay hubkiisa gataan ayaa sanad walba balaayiin dollar kasoo gashaa wadamadaasi oo ku khasban inay markale shirkadahooda ka iibsadaan qalabka diyactirka iyo cusbooneysiinta hubkaasi casriga ah.

Dhinaca kale Xukuumada Trump ee wakhtigeeda sii dhamaanayo ayaa ansixisay heshiiska gantaalada casriga ah looga iibinayo dowlada Sacuudiga.

Gantaaladan ayaa waxaa kamid ah 3kun oo ah kuwa diyaaradaha isticmaalaan ee lagu duqeyn karo goobaha fog.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *