Maraykanka oo Joojiyay Diyaaradaha Ka Imaanaya Qaarada Yurub

Published: March 12, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo 30 maalmood ah joojiyay duulimaadyada ka imaanaya qaarada Yurub marka laga reebo dalka Britian.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay cudurka coronovirus ayaa diiday inuu ku dhawaaqo Xaalad degdeg ah oo dalka la galiyo taasi oo ay dalbanayeen xubno ka tirsan aqalka Congress Maraykanka oo ku cadadinayay madaxweynaha inuu qaado tallaabooyin dheeraad oo lagu xakamaynayo cudurka.

Cudurka coronavirus ayaa waxaa dalka Maraykanka u geeriyooday dad ka badan 30 qof, waxaana uu ku dhaacay ilaa 1000 qof. 19 gobol ayaa ku dhawaaqay xaalada degdeg ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *