Published: March 17, 2022
by: Khalid Yussuf
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in la kordhinayo tirada siyaasiyiinta Soomaalida ee uu Maraykanka kusoo rogay xayiraadda socdaalka ama VISA-da.
Maraykanka ayaa xayiraadan saaray siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood oo lagu eedeeyey dib u dhaca doorashada Soomaaliya, jadwalka doorashada ayaa markale dib u dhacay todobaadkan iyadoo lagu waday in lasoo dhameystiro doorashada xildhibaanada 15kii bishan Maarso.
Waxaan warbaahinta lagu shaacin magacyada xubnaha uu Maraykanka xayiraadan saaray.