Maraykanka oo mar kale si adag COVID-19 ugu eedeeyey Shiinaha

Published: May 6, 2020

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa Arbacadii dib u cusbooneysiiyay dhaleeceyntii kululeyd ee Shiinaha, isaga oo ku eedeeyay dhimashada boqolaal kun oo qof oo ku dhacay cudurka ‘coronavirus’ wuxuuna codsaday mar kale in la wadaago macluumaadka ku saabsan cudurka dillaacay.

Way ogaayeen. Shiinaha waa ka hortegi karay dhimashada boqolaal kun oo dad ah oo adduunka oo dhan ah. Shiinaha wuxuu badbaadin karey musiibada dhaqaalaha adduunka, ”Pompeo ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtey waaxda arrimaha dibadda e Maraykanka.

“..Shiinuhu waxay weli diidan yihiin in ay nala wadaagaan macluumaadka aan u baahan nahay si aan dadka u badbaadno….”

Pompeo ayaa gadaal ka riixay soo jeedinta isaga iyo xubnaha kale ee maamulka Trump ay soo saareen oo is khilaafsan oo kusaabsan halka uu ka soo jeedo coronavirus, ma yahay wax dad sameeyeen oo lab lagu diyaarshey mise waxa uu ka dilaacay Suuq ku yaala Whuhun.

Axadii, Pompeo wuxuu sheegay inay jirto “caddeymo badan oo markhaanti ah” oo ah in fayraska ka soo baxay Machadka Wuhan ee Cudurada faafa, isagoo sheegay Khamiistii hore in aan la ogayn inay ka timid sheybaarka, suuq loogu yeero nooca qoyan, mise meel kale ayuu ka yimid oo shaki geliyey.

Arbacadii, wuxuu sheegay in Maraykanku aysan lahayn wax hubaal ah, laakiin ay jirto caddeyn muhiim ah oo ka timid sheybaarka.

Dadka dhaleeceynaya in COVID-19 laga dhigo manmade waxay aaminsan yihiin in maamulka Mareykanka uu raadinayo inuu ka weeciyo dareenka dadka waxa ay u arkaan jawaab gaabis ah ee Mareykanka ee ku aadan cudurka dillaacay, kaas oo ay dilay dad ka badan 70 000 oo qof gudaha Maraykanka oo keliya Caalamkana gaarsiisan 260 000 oo qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *