Maraykanka oo markale diidmada qayaxan ku diiday xabad joojinta dagaalka Gaza

Published: February 20, 2024
Shares2

Maraykanka ayaa markii 4aad diidmada Qayaxan (Veto) uga hor-istaagay Golaha ammaanka in la ansixiyo baaqa xabbad joojinta oo ay soo diyaarisay dowlada Aljeeriya, isaga oo sheegay inay wax u dhimayso wadahadallada socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Codeynta goordhaweyd ka dhacday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ahay 13 cod oo taageero ah iyadoo UK ay ka aamustay, halka Mareykanka uu diiday.

Tani waxay noqonaysaa markii 4aad ee uu Maraykanku uu diido hindise xabbad-joojin ah ee dagaalka Gaza oo la horkeeno Golaha Ammaanka tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Horseed Media