Maraykanka oo Qaybtii u Horraysay Ciidamadiisa ka saaray Afghanistan

Published: March 10, 2020

Dowladda Maraykanka ayaa bilowday in qaybtii u horraysay ee Ciidamadeeda ku sugan dalka Afganisantaan ay kala baxdo ka dib markii ay heshiis taariikhi ah la gashay ururka Taalibaan Bishii Hore.

Maraykanku wuxuu muddo lix bilood gudahood ah uu dalkaasi ka saari doono ciidamo gaaraya 8600 oo askari oo qayb ka aha 12 kun ee askari ee Maraykanka ka jooga dalka Afganistan.

Sida uu heshiisku dhigayo dhammaan ciidamada ajnebiga ah ee Jooga Afganistan waxaa lagu saarin muddo 14 Bilood gudahood oo ka bilaabata xiligii heshiiska la saxiixay ee 29 Febraayo.

Dowladda Afghanistan ayaan qayb ka ahayn heshiiskan, laakiin waxaa la rajeynayaa inay wadahadal la yeelan doonto Taliban.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *