Maraykanka oo Ruushka saaraya cunaqabateyn horleh iyo Kalfadhigii Golaha Amaanka

Published: February 22, 2022

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa isu baheystay Ruushka intii lagu jiray kalfadhigii degdega ahaa oo xalay saqdhexe ka dhacay Golaha Ammaanka, iyagoo cambaareeyay aqoonsiga Vladimir Putin ee goobaha ay fallaagadu ka taliyaan ee Ukraine.

Quwadaha reer galbeedka ayaa si degdeg ah uga falceliyay go’aankii isniintii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku aqoonsaday madax banaanida laba jamhuuriyadood oo isku magacaabay bariga Ukraine iyo ciidamo loo dirayo gobolka, iyagoo cambaareeyay Moscow kuna baaqay cunaqabatayn.

Safiirka Mareykanka Linda Thomas-Greenfield oo khudbad ka jeedisay fadhiga ayaa si kulul u cambaareysay hadalkii Putin ee ahaa in ciidamada Ruushka ay door nabad ilaalineed ka qaadan doonaan deegaanada Donetsk iyo Lugansk.

Safiirka Ukraine Sergiy Kyslytsya ayaa ku adkaystay in xudduudaha waddankiisu “aan isbeddeli doonin” inkasta oo uu Ruushku doonayo inuu dalka kala qeybiyo.

Ruushka wali wadahadal ayuu diyaar u yahay ayuu yiri danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vasily Nebenzya.

Si kastaba ha ahaatee, ma ogolaan doono in xasuuq uu ka dhaco gobalada Donbas (Bariga-UKraine)” ayuu hadalkiisa raaciyay, isaga oo ulla jeeda gobolada Donetsk iyo Lugansk.

Maraykanka oo isku duba-ridi-daya xulafadiisa ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo cunaqabatayn cusub oo uu ku soo rogayo Ruushka maanta oo talaada ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *