Maraykanka oo shaaciyey khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeymaha ay geystaan Soomaaliya

Published: September 28, 2022

Dowladda Maraykanka ayaa soo saaray warbixin sannadle ah oo uu ku qiimeynayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeymaha laga soo billaabo 2021.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay guud ahaan Afghanistan, Iraq, Soomaaliya iyo Syria.

Wasaaradda waxay sheegtay Soomaaliya in aan dad rayid ah lagu dilin 2021, balse 3 ayaa lagu dhaawacay hal weerar.

Saddexda qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu Jan. 1, 2021, Mareykanku duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaanka Kunyo Barrow oo Shabeeladda hoose ah.

Weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa dhaliyay baaritaan ay sameeyeen ciidamada cirka ee Mareykanka.

Madaxii taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka Gen. Frank McKenzie, ayaa raalli galin bixiyay, isagoo qiray inay ahayd khalad dhacay.  

Ma jirto ciidan Maraykan ah oo lagu ciqaabay khasaaraha ka dhashay weerarada cirka ee uu Maraykanku ka geystay dalalka ku xusan warbixintan.

Horseed Media