Maraykanka oo sheegay inuu cadaadiska ka qaadayo Turkiga, hadii Erdogan…

Published: August 23, 2018

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay khafiifin doonto cadaadiska ay saartay dhaqaalaha wadanka Turkiga hadii ay dowlada Tayyib Erdogan ay xabsiga kasii deyso Baadari ku jira xabsiga Turkiga 21-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Baadarigan u dhashay dalka Maraykanka Andrew Brunson, ayaa muddo 20 sano ah degenaa wadanka Turkiga, waxayna xukuumada Turkiga ku eedaysay inuu ku lug lahaa inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii 2016 ka dhacay dalka Turkiga.

Maxkamada Turkiga ayaa marar badan diiday codsiga siideynta wadaadkan oo hada ku jira xabsi guri.

Madaxweynaha Marayakanka Donald Trump ayaa dhawaan amray in canshuur dheeraad ah lagu soo rogo ganacsiga Turkiga ee loo iib geeyo wadanka Maraykanka, si cadaadis loogu saaro Turkiga siideynta wadaadkaasi masiixiga ah.

Go`aanka Trump ayaa culeys weyn ku keenay qiimaha lacagta Turkiga ee lira oo si weyn hoos ugu dhacay todobaadyadii lasoo dhaafay, arrintan ayaa kusoo beegmatay xili uu Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu dadaal ugu jiray inuu dib usoo nooleeyo dhaqaalaha dalkaasi oo uu hoos u dhac ku jiray bilihii lasoo dhaafay.

John Bolton oo ah Latliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Maraykanka, ayaa sheegay in hadii Turkiga uu sii daayo Baadarigan si fudud xal loogu helayo khal khalka ku yimid dhaqaalaha Turkiga.

Turkiga ayaa diidan inay siidaayaan Baadarigan, waxayna siideeyntiisa sidoo kale ku xireen in Maraykanka uu usoo gacan gesho wadaadka u dhashay Turkiga ee ku nool dalka Maraykanka [Gullen] oo lagu eedeenayo inuu yahay maskaxdii ka danbeysay inqilaabkii fashilay.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay taageero dhaqaale u fidin doonto Turkiga, isla markaana u balanqaaday lacag gaareysa 15 bilyan oo dollar oo lagu xoojinayo dhaqaalaha Turkiga, walow Maraykanka uu sheegay in arrintan aysan wax weyn ka bedali doonin culeyska ay dul dhigeen dhaqaalaha wadanka Turkiga oo kamid xulafadooda NATO.

Tilaabada uu Maraykanka la beegsaday Turkiga ayaa laga yaabaa inay ku khasabto in Turkiga uu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka loolanka kula jira Maraykanka sida China iyo Ruushka oo ay hada xiriir wanaagsan leeyihiin. Turkiga ayaa sidoo kale kamid ah dalalka xiriirka ganacsi laleh Iran oo iyaduna dooneysa inay suuq u hesho batroolkeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *