Maraykanka oo u hanjabay Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada Dagaalka ICC – VIDEO

Published: September 11, 2018

John Bolton oo ah Lataliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Maraykanka, ayaa sheegay in Maraykanka uu awood walba u adeegsan doono maxkamada Danbiyada Dagaalka ICC hadii ay wax kiis ah kusoo oogto muwaadiniinta Maraykanka iyo Israel.

Bolton oo isniintii shalay khudbad kasoo jeediyey shir ay yeesheen ururada garabka midig ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka uusan aqoonsaneyn Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalka ee loo yaqaan ICC.

Wuxuu sheegay in Maraykanka uusan la shaqeyn doonin, isla markaana uusan aqoonsaneyn maxkamada kutaal The Hague (Holland) ee Qaramada Midoobay oo horey loo soo taagay hogaamiyayaasha dalalka Afrika ee galay danbiyada dagaalka.

Maxkamada ICC ayaa waxa hada horyaal kiis ay soo gudbiyeen maamulka Falastiin oo lagu eedeenayo ciidamada Israel ee gaboodfalada geysta, horey ayaa sidoo kale loo codsaday inay maxkamadaasi lasoo taago askarta Maraykanka ee danbiyada ka geystay dagaalada ka socda wadanka Afghanistan.

Hanjabaada kasoo baxday Maraykanka ayaa u muuqata mid Xukuumada Trump isaga sii jeedineyso fadeexada ka heysta buuga maanta la shaacin doono ee FEAR oo uu qoray suxufiga Bob Woodward oo looga hadlayo jahwareerka ka jira Aqalka Cad iyo waliba qoraalada kusoo baxaya jariirada New York Times oo la sheegay inuu qoray qof is qariyey oo kamid Saraakiisha sare ee maamulka Trump.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *