Maraykanka oo Ukraine ugu deeqaya hub qiimihiisu gaarayo illaa $1 Bilyan

Published: August 9, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Hubkan oo isugu jira gantaalo, rasaas iyo saanad kale ayay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ka soo uruurisay kaydka hubka ee dalkaasi.

Shixnadda cusub ee hubka ee Maraykanku ugu deeqayo dalka Ukraine ayaa sii xoojin doontaa awoodda ay Ukraine u leedahay inay iska caabbiso weerarada uga Imanaya dalka Ruushka, waxaana dadka ka faallooda arrimaha dagaalku ay sheegayaan in marka ay Ukraine ay hesho hubkan, inay awood u yeelan doonto inay qaabayso habka dagaalku u socdo, isla markaana ay yeelato awood ay saamayn ugu yeelan karto guusha ay gaadhayso furimaha dagaalka.

Kyiv ayaa dedaal ugu jirta inay dib u riixdo ciidamada Ruushka, kuwaas oo ay maalmihii ugu dambeeyey dhex marayeen dagaallo culusi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *