Maraykanka oo cunaqabateyn saaray Danbi-oogaha Maxkamada ICC

Published: September 3, 2020

Dowlada Maraykanka ayaa cunaqabateyntan saartay haweenayda danbi-oogaha ka ah Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal oo sheegtay inay baari doonto danbiyadii dagaal oo ay galeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afghanistan.

Bishii Maarso ee sanadkan ayey Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ICC oo fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland, sheegtay in ay baarayaan danbiyada dagaal ee ka dhacay Afghanistan, iyadoo loo fasaxay danbi-oogaha in la soo diyaariyo dacwadaha ka dhanka Ciidamada Afghanistan, Talibanka iyo waliba Askarta Maraykanka.

Arrintan ayey dowlada Maraykanka ka hortimid iyadoo bishii June Washington shaacisay inay cunaqabateyn saareyso Maxkamada ICC oo horey loo soo taagay qaar kamid ah hogaamiyayaashii danbiyada ka geystay dagaaladii ka dhacay Afrika iyo Europe.

Fatou Bensouda oo ah Danbi-oogaha / Xeer illaaliyaha ICC ayuu Maraykanka si gaar ah u bartilmaamsaday, cunqabateynta ayaa isugu jirta mid dhanka Socdaalka ah iyo xayiraad dhaqaale. Waxaa sidoo kale cunaqabateyntan la saaray madaxa xafiiska sharuucda ee Maxkamada oo lagu magacaabo, Phakiso Mochochoko.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateyntan ay saameyn doonto shirkad walba oo la macaamisha shaqsiyaadka ay xayiraada saareen.

Maxkamada ICC oo qoraal soo saartay Arbacadii shalay ayaa ku tilmaamtay go’aanka Maraykanka mid weerar toos ah ku ah illaalinta sharuucda Caalamiga ah iyo Hawlaha Maxkamada ICC oo ku dhisan heshiis caalami ah oo loo yaqaan Rome Statute, waxayna Maxkamad hawsheeda bilowday sanadkii 2002.

In ka badan 120 wadan ayaa saxiixay heshiiskaasi walow dalalka qaarkood oo ay ku jiraan Maraykanka, Ruushka iyo Israel ay kamid yihiin dalalka aan horey u saxiixin heshiiskan lagu dhisay Maxkamadan Caalamiga ah.

Maraykanka ayaa ku sheegay maxkamadan mid siyaasadeysan oo aan awood ullahayn inay xukunto ama maxkamadeyso askartooda.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *