Booliska ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen weerarka sidoo kale waxaa ku dhaawacmey 28…
Booliska ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen weerarka sidoo kale waxaa ku dhaawacmey 28 qof oo kale kuwaas oo intooda badan ay ka yar tahay da’doodu 18 sano jir sida Boolisku sheegay.
Hal qof oo dumar ah oo 18 jir ah ayaa meydkeeda laga helay goobta, sidoo kale nin kale oo 20 jir ah ayaa la sheegay in uu ku dhintay isbitaal, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliiska.
Ku dhawaad 14 ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa loo malaynayaa in ay da’doodu ka yar tahay 18 jir, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Ku-simaha Taliyaha Bilayska Richard Worley
Ma jirto cid loo soo qabtay falka toogashada ah isla markiiba.
Worley waxa uu sheegay galabnimadii Axadda in booliisku ay rumaysan yihiin in ay raadinayaan ugu yaraan laba tuhmane, waxa uu ka codsaday dadka goobta ka dhawaa wixii xog ah in a Booliska la wadaagaan.
Horseed Media