Mareykanka iyo UK oo duqeeyey gobalka Al Xudaydah, Yemen

Published: March 6, 2024
Shares80

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Britain ayaa duqeymo cusub ka fuliyay gobolka xeebta saaran ee Al Xudeydah ee Yemen Talaadadii, iyadoo ay sii kordhayso xiisada ka taagan Badda Cas, kooxda Xuutiyiinta ayaa iyaguna sheegay inay duqeeyeen maraakiibta dagaalka ee Mareykanka.

Telefishinka Al-Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa sheegay in shan duqeyn la-la beegsaday degmooyinka Al-Jabanah iyo Ras Ciisa ee gobolkaasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeymahan.

Dhinaca kale, Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay Talaadadii in ay qaadeen howlgal milatari oo ka dhacay Badda Cas oo ka dhan ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka.

“Ciidamada Yemen waxay la beegsadeen gantaallo iyo diyaarado Drone ah,” ayuu yiri Yahya Saree, oo ah afhayeenka milateriga ee kooxda, isagoo aan bixin wax faahfaahin dheeraad ah.

Horseed Media