Mareykanka iyo UK oo markale duqeeyey xarumaha Xuutiyiinta

Published: January 23, 2024

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo xulafadooda UK ayaa xalay duqeynmo la beegsaday saldhigyada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Duqeyntan oo noqoneysa tii 8aad oo ay xulafadan la beegsadaan xoogaga Xuutiyiinta, iyagoo sheegay inay doonayaan inay ku wiiqaan awooda kooxdaasi ay ku weerari karto maraakiibta mara badda Cas.

Bartilmaameedka duqeyntii xalay ayaa ahayd xarumaha kaydka hubka ee dhulka hoostiisa, goobaha lagu farsameeyo diyaaradaha Drone-ka iyo gantaalada ridada dheer oo ay Xuutiyiinta u adeegsadaan duqeynta Maraakiibta.

Horseed Media