Mareykanka & Kuuriyada Koonfureed oo Kuuriyada Waqooyi uga digay adeegsiga hubka nuclear-ka

Published: November 4, 2022

Dalka Mareykanka ayaa Dowladda Kuuriyada Waqooyi uga digay in deriskeeda Kuuriyada Koonfureed ay u adeegsato nooc kasta oo ka mid ah hubka wax gumaada ee nuclear-ka, xilli maalmihii ugu dambeysay ay xiisadda labada dal dib uga soo cusboonaatay Gacanka Kuuriya.

Ka dib kulan ay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed, Lee Jong-sup ku yeesheen Xarunta Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka ayay si wadajir ah u cambaareeyeen tallaabooyinka militari ee ay qaadayso Kuuriyada Waqooyi, oo qayb ka ah tijaabada gantaalada iyo madaafiicda ay badda ku tuureyso.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, haddii Kuuriyada Waqooyi ay hubka nuclear-ka u adeegsato Kuuriyada Koonfureed amaba dalalka xulafada la ah Mareykanka ee ku yaala gobolka, sida Japan, ay soo dedejin doonto dhammaadka maamulka Kim Jong-un.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in jawaab isku dhaf ah ay ka bixin doonaan, haddiiba Pyongyang ay adeegsato nooc uun nuclear ah.

Kulanka labada Wasiir ayaa daarnaa, sidii ay labada dal u dersi lahaayeen waxa ay noqon doonto falcelintooda, Pyongyang oo ka suurtagal ah inay isticmaasho nuclear-keeda.

Xukuumadda Pyongyang oo ka careysayn dhoola-tuska militari, ee ay si wadajirka ah u sameynayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sii waddo tijaabada gantaaladeeda. Labadii maalmood ee ugu dambeysay ayay riday in ka badan 20 gantaal.

Horseed Media