Mareykanka oo askar looga dilay weerar ka dhacay Jordan

Published: January 29, 2024

Saddex askari oo Maraykan ah ayaa la dilay, tobaneeyo kalena waa la dhaawacay ka dib markii diyaarad Drone ah ay weerar ku qaadday ciidammada Maraykanka ee fadhigoodu yahay waqooyi bari ee Urdun (Jordan) meel u dhow xuduudka Suuriya, sida uu sheegay Madaxweyne Mareykanka Joe Biden.

“Iyadoo aan weli wadno baaritaanka weerarkan, waxaan ognahay in ay fuliyeen kooxaha xagjirka ah ee Iran ay taageerto ee ka howlgala Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.

Mareykanka ayaa sheegay in diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ay aroornimadii hore ee Axaddii ku qaraxday xeradaasi.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa ku sheegay tirada dadka ku dhaawacmay weerarka inay gaarayaan 25, waxaana ay sheegeen in aqoonsiga askara la dilay la qarin doono inta laga wargelinayo qoysaskooda.

Maleeshiyaadka Shiicada ee ka hawlgala Ciraaq ayaa bilihii lasoo dhaafay duqeyn ku waday saldhigyada Mareykanka ku leeyahay Ciraaq iyo Siiriya, iyagoo sheegay inay doonayaan in ay Mareykanka ku cadaadiyaan joojinta xasuuqa Gaza iyo inuu ciidamadiisa kala baxo dalalkaasi.

Horseed Media