Mareykanka oo dib usoo celiyey Hantidii laga dhacay Boqortooyada Ashanti, Ghana

Published: February 9, 2024

Matxaf ku yaal California ayaa khamiistii dib ugu celiyay hantidii laga dhacay Boqortooyada dalka Ghana ee Ashanti, hantidan oo la dhacay xilliyadii gumeysiga.

Arrintan ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo madxafyada Yurub iyo Mareykanka, inay dib u soo celiyaan agabkii laga dhacay Afrikaanka xilligii ay xukumayeen gumeystayaashii Britain, France, Germany iyo Belgium.

Hantidan boqortooyada Ghana oo laga soo aruuriyay Matxafka Fowler ee Mareykanka, oo ay ku jireen katiinado dahab ah, kuraas iyo qalab kale oo ka sameysan dahab qaali ah, ayaa lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday Qasriga Manhyia ee magaalada Kumasi ee gobolka Ashanti ee dalka Ghana.

Dalka deriska la ah ee Nigeria ayaa sidoo kale wada dadaal lagu soo celinayo kumannaan hantidii laga dhacay boqortooyadii hore ee Benin ee qarnigi 16-aad ilaa 18-aad, waxaana hadda gacanta ku haya madxafyada iyo ururiyeyaasha farshaxanka ee ku yaalla Mareykanka iyo Yurub.

Horseed Media