Mareykanka oo duqeyn Drone ku dilay hogaamiye maleeshiyaadka Shiicada, Ciraaq

Published: February 8, 2024

Mareykanka ayaa diyaarad drone ku duqeeyey fiidnimadii xalay gaari marayey koonfurta caasimada Ciraaq ee Baqdaad, gaarigaasi oo siday saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Kataib Xisbullah.

Weerarkan ayaa lagu dilay sarkaalka Abu Baqir al-Saadi iyo Arkan Alyawi.

 Abu Baqir al-Saadi ayaa ahaa madaxa farsamada Diyaaradaha Drone-ka iyo Gantaalada ee kooxda shiicada ah ee Kataib Xisbullah oo taageero ka hela Iran.

Talliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegtay inay fuliyeen duqeyntan, iyagoo sheegay inay qeyb ka tahay ka aargudashada kooxda Kataib Xisbullah oo sheegtay weerarkii drone-ka ee lagu qaaday saldhiga Mareykanka uu ku lahaa xaduuda Urdun iyo Siiriya oo ay ku dhinteen sadex askari oo Mareykan ah, kuna dhaawacmeen in ka badan 40 askari.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu Mareykanka duqeyn xoogan la beegsaday saldhigyada maleeshiyaadkan ee Ciraaq iyo Suuriya, waxaana muuqata in Mareykanka sii wado duqeyntiisa.

Kooxaha Kataib Xisbullah iyo Isbaheysiga Maleeshiyaadka shiicada Ciraaq ee Iran taageerada ka hela ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarka ay ku hayaan ciidamada Mareykanka ee gobalka ku sugan, inta ay socoto xasuuqa Israel ka wado Qasa.

Horseed Media