Mareykanka oo duqeynmo horleh la beegsaday Xuutiyiinta, Yemen

Published: February 4, 2024

Maraykanka iyo UK ayaa duqaymo cusub ku qaaday goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan ee dalka Yemen, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta, kuwaas oo bartilmaameedsada danaha Maraykanka iyo Israa’iil si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta.

Marka laga soo tago weeraradii Sabtidii, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sidoo kale garaacay gantaalka lidka maraakiibta Xuuthiyiinta oo ” loo diyaariyay in lagu weeraro maraakiibta ku sugan Badda Cas” maanta oo Axad ah.

Weerarada Xuutiyiinta ay ku qaadeen maraakiibta xiriirka la leh Israel ee mara marinka Bab al-Mandeb ee badda cas, ayaa hakad galiyay ganacsiga caalamka, taasoo keentay jawaabta Mareykanka iyo UK.

Mowjadaha duqaymaha cusub ayaa daba socday weerar cirka ah oo Maraykanku Jimcihii ka geystay Ciraaq iyo Suuriya kaas oo lala beegsaday kooxo hubaysan oo lala xidhiidhinayo Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) oo ay uga aargoosanayaan saddex askari oo Maraykan ah oo lagu dilay Jordan todobaadkii hore.

Horseed Media