Mareykanka oo markii ugu horeysay diyaarad gargaar u diray Gaza

Published: March 2, 2024
Shares4

Diyaarad Militariga Mareykanka leeyahay ayaa maanta oo Sabti ah hawada Gaza ku daadisey gargaar loogu talo galay shacabka ku go’adoonsan Gaza, walow ay hay’adaha gargaarka sheegeen in tilaabadan aysan waxna ka bedali doonin baahida jirta.

Waddamo kale oo ay ka mid yihiin Jordan iyo France ayaa horey u sameeyay gargaarka hawada looga daadiyey, xili xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada uu sheegay in dad gaaraya 576,000 oo qof ku sugan yihiin xaalad macaluul ah.

Maamulka Mareykanka ee Biden oo uu cadaadiska gudaha iyo dibedd uga imaanayo, xili lagu jiro ololaha doorashada Mareykanka, ayaa sheegay inay wadaan dadaal loogu gurmanayo shacabka Gaza.

Hay’adaha Gargaarka ayaa ku cambaareeyey Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee taageerada militari, dhaqaale iyo siyaasadeed siiya Israel uusan illaa iyo hada ku baaqin xabad joojin fursad usiin lahayd Beesha Caalamka inay gargaar baaxadleh geyso Marinka Gaza.

Horseed Media