Mareykanka oo soo saaray liiska rag uu ku sheegay inay hubka iyo qaraxyada soo geliyaan Soomaaliya

Published: November 2, 2022

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay liiska rag katirsan Ururka Daacish ee Soomaaliya kuwaas oo cunaqabateyntii ugu horreysay la saaray.

Bayaankan waxaa lagu sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogay shabakad ka kooban toban qof oo Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay hubka sharci darrada ah soo geliyaan Soomaaliya.

Ragga uu mareykanku shaaciyey ayaa kala ah: Liibaan Yuusuf Maxamed, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, Mahad Ciise Aadan, Ciise Maxamuud Yuusuf, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, Maxamed Axmed Qaxiye, Axmed Xaaji Cali Xaaji Cumar iyo Osama Abdelmongy Abdalla Barre.

Liiskan cusub ee uu Mareykanka soo saaray ee ay Soomaalida ku jiraan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu dalkaas soo saaro muddo ka yar saddex todobaad.

Horseed Media