Mareykanka oo VETO ku diiday qaraarka Golaha Ammaanka ee ku baaqaya xabad-joojinta Gaza

Published: December 9, 2023
Shares4

Mareykanka ayaa Jimcihii diiday qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah oo lagu sameeyo dagaalka xooggan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza.

Washington oo adeegsanaysa diidmada qayaxan ayaa meesha ka saaraysa qeylo dhaan sii kordheysa oo ku aaddan xabbad joojin degdeg ah oo ay hoggaaminayeen madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo waddamada Carabta.

Guterres ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib dagaallo todobaadyo socday oo ay ku dhinteen in ka badan 17,487 qof oo u badan haween iyo carruur.

Horseed Media