Mareykanka oo wadahadal hoose ah kula jira Iran

Published: June 4, 2024

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Iran, Ali Bagheri ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyey in wadahadalo hoose ay la yeesheen Mareykanka, kulamadaasi oo ka dhacay dalka Cumaan.

Ali Bagheri ayaa safarkiisii ugu horeeyey ee dibada ku tagay magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, halkaasi oo uu ka sheegay inay sii wadi doonaan taageeradda ay siiyaan xoogaga la dagaalamaya Israel, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono siyaasadii wasiirkii ka horeeyey ee Hossein Amir-Abdollahian oo ku dhintay shil diyaaradeed isaga iyo Madaxweynihii hore ee Iran Ibrahim Raisi.

Wadahadalada hoose ee la sheegay inay u socdaan Mareykanka iyo Iran, ayaa socda xili aan weli lagu guuleysan in wax xabad joojin ah la dhex dhigo Xamaas iyo Israel oo ay labadaasi dowladood kala taageeraan.

Horseed Media