Mareykanka oo xayiraad dul dhigay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Falastiin

Published: December 9, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Falastiin Riyad al-Maliki oo kamid ahaa wafdi wasiirada dalalka Carabta oo todobaadkan booqday Washington ayaa loo diiday inuu warbaahinta la hadlo.

Arrintan ayaa soo shaac baxday Shir jaraa’iid oo ay Jimcihii shalay wadajir u qabteen wasiirada dalalka ee Carabta kadib markii Saxaafada Su’aalo weydiisa Wasiirka Falastiin, ayaa waxaa u jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga oo wafdiga hogaaminayey.

Maamulka Biden ayaa xayiraad kusoo rogay wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin, Riyad al-Maliki, isagoo xaddidaya awooddiisa ku aaddan la macaamilka warbaahinta, wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal bin Farhan ayaa sidaa u sheegay Warbaahinta.

“Dawladda Maraykanku waxay ku soo rogtay xayiraado aan u ogolayn inuu ka jawaabo su’aalaha warbaahinta ama inuu la macaamilo warbaahinta,” Amiir Faysal ayaa u sheegay suxufiyiinta mar uu shir jaraa’id ku qabtay Washington.

Wasiiradan ayaa dalka Mareykanka u tagay si ay ugu ololeeyaan xabad joojin ka dhacda Gaza, balse saacado kadib markii ay la kulmeen Xoghayaha arrimaha Dibada Mareykanka Blinken, ayey xukuumada Mareykanka codka VETO ku diiday qaraarkii la horgeeyey Golaha Amaanka ee ku baaqayey xabad-joojinta dagaalka Gaza.

Horseed Media