Markab shidaal oo ku soo xirtay Dekedda Bosaso, xilli ay degaannada Puntland ka jirtay baahi shidaalka 

Published: July 2, 2022

Markab sida shidaal badan ayaa ku soo xirtay Dekedda magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso, Xilli ay degaannada Puntland ka jirtay baahi shidaalka noocyadiisa kala duwan ah maalmihii lasoo dhaafay.

Masuuliyiinta Dekedda Bosaso ayaa sheegay in Markabkan uu 12 beri taagnaa badda, kaddib markii uu dekedda ka waayay meel uu kaga xirto, taas oo sababtay in sicirka shidaalka uu kor u kaco deegaannada Puntland.

Gaadiidka shidaalka qaada ee u kala daabulaya gudaha magaalada Bosaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa buux-dhaafayiyey dekedda, kaddib markii uu soo xirtay Markabka.

Qiimaha Shidaalka adduunka ayaa kor u kacay bilooyinkii u dambeeyey iyadoona loo sababeenaayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *