Markabka Martin One oo sida Konteenaro Ganacsi ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Boosaaso

27 July, 2024

M.V. MARTIN ONE, oo ah markabkii ugu horeeyey ee wada badeecad ganacsi oo konteenaro ah ayaa…

M.V. MARTIN ONE, oo ah markabkii ugu horeeyey ee wada badeecad ganacsi oo konteenaro ah ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Boosaaso, tan iyo markii qaybta cusub lagu soo kordhiyey dekedda.

Markabkan ayaa wada badeecado kala duwan kana yimid Isu-tagga Imaaraadka Carabta kaasoo u raran ganacsatada Puntland.

Maamulaha kastamada gobolka Bari, Maxamed Yuusuf Maxamuud, ayaa sheegay imaanshaha markabkan wada konteenarada in ay qayb ka tahay dadaaladii madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ee ballaarinta dekadda Boosaaso.

” Waa guul usoo hoyatay Dowladda Puntland iyo shacabkeeda mar haddii maraakiib noocan ah noo yimaadaan, waxaa meesha ka baxaya khasaarihii soo gaari jray badeecadihii laga soo wareejin jiray konteenaradii lagu keenay dekedaha qaarkood, sidoo kale kobcinta dakhliga ayay qayb ka qaadan doonaan waana dadaaladii Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.” Ayuu yiri; Maamule Maxamuud Yuusuf.

Wakiilka Shirkadda Sahal Shipping Agency, Haashim Cabdullaahi Xaaji Cismaan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in imaanshaha markabkan sabab u tahay dib u habaynta lagu sameeyey dekedda Boosaaso uuna hirgaliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Waxaa xusid mudan in daahfurka markabkan ay ka qaybgaleen mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dekeddaha, Madaxda Gobolka Bari, Taliska Qaybta iyo Mas’uulyiin kale.

Horseed Media