Marooko oo xiriir la sameysatay Israel!

Published: December 11, 2020

Dowlada Marooko ayaa noqotay wadankii 4aad ee Carab ah oo xiriir toos ah la yeesha Israel, heshiiskan oo la sheegay in Maraykanka kasoo shaqeeyey.

Marooko ayaa go’aankan ku bedalatay in Maraykanka u aqoonsado dhulka ay sheegato ee Galbeedka Saxaraha (Western Sahara), dhulkaasi oo ay dadka ku nool doonayaan inay noqdaan wadan gaar ah, waxaana dhulkaasi ka dagaalama jabhada gooni u goosad ah oo taageero ka hesha wadanka Marooko ay jaarka yihiin ee Aljeeriya.

Xukuumada Wakhtigeeda dhamaanayo ee Donald Trump ayaa heshiiskan ku sheegtay guul kale oo taariikhi ah oo ay heshiis ku dhex dhigeen dal carab ah iyo Israel, waxaana horey heshiisyo noocaan ah Israel ulla galay dalalka Imaaraatiga, Baxreyn iyo Sudan.

Dhamaan dalalkaasi Carabta ah ayaa heshiisyadan ku bedashay arrimo muhiim u ah oo ay ka doonayeen wadanka Maraykanka, marka laga reebo dalka Baxreyn.

Imaaraatiga ayaa heshiiska uu la galay Israel ku bedashay heshiiska in Maraykanka uu ka iibiyo hubka casriga ah oo ay ugu horeyaan diyaaradaha dagaalka ee ugu danbeeyey ee F-35 oo todobaadkan Kongareeska Maraykanka Ansixiyey.

Sudaan ayaa sidoo kale heshiis ay la gasho Israel ku bedalatay in Maraykanka ka qaado xayiraada kana saaro diiwaanka wadamada taageera Argagaxisada, si dalkaasi markale u helo fursado maalgashi iyo dayn uu ka qaato Bangiga Adduunka. Sudan ayaa xiligan ku jirta dhaqaale burbur iyo sicir-barar xargaha goostay.

Wadamada Jaamacada Carabta ayaa horey ugu heshiiyey inaan wax heshiis ah lala gelin Israel illaa dadka reer Falastiin ay xaquuqdooda helayaan, hase yeeshee xukuumada Maraykanka ee Donald Trump ayaa dadaal weyn ugu jirtay in ay wadamada Carabta ku cadaadiso heshiis ay la galaan maamulka Yahuuda.

Khalid Yusuf
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *