Masar, Qadar & Midowga Yurub Oo Taageeray Madax Banaanida Dhuleed Ee Soomaaliya

Published: January 3, 2024

Madaxweynaha dalka Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ayaa ballan qaaday in dalkiisu taageerayo Soomaaliya, iyadoo uu taaganyahay khilaafka ka dhashay heshiiska is-afgarad ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Wada hadal uu xalay Khadka telefoonka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa mr al-Sisi waxaa uu uu yiri: Masar waxay garab istaag u muujinaysaa amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeenka al-Sisi, Axmed Famy.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray, in labada hogaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen, arrimo la xirriira horumarka gobolka iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay, Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad, kaas oo ay ka wada hadleen xiriirka laba dal iyo arrimo danaha labada dhinac khuseeya, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaliya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay heshiiska is-afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya iyagoo ku booriyay in la ixtiraamo midnimada, qarannimada, xuduudaha iyo dhulka Soomaaliya”.

“Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika oo dhan,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Yurub.

Horseed Media