Masuuliyiin katirsan DFS oo Buuloburde u tagaya qiimeynta xaaladda dadka & deegaanka

Published: October 29, 2022

Masuuliyiin katirsan Dowladda federaalka uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa saaka safar ugu ambabaxay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Safarka waxaa qeyb ka ah wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Ujeedka safarakan ayaa ah u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay Al-shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, Xoogga dalka, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

Horseed Media