Masuuliyiin Ku Eedaysan Musuqmaasuq Oo Maxkamada Gobolka Banadadir La Horgeeyay

Published: June 13, 2020

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lagu soo oogay xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu soo edeeyay musuq-maasuq hantiyeed.

Dadkan dacwadahooda la dhageysanyo ayaa gaaraya illaa 10 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan agaasime waaxeedyo iyo agaasime guud.

Dhammaan xubnahan ayaa xeer ilaalinta dalka waxay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa horey u sheegay in isaga oo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud ay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq.

Edeeysanayasha oo todobaadyadii danbe xirnaa ayaa maanta maxkamadda la horgeeyay si dacwadooda loo dhageeysto.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *